Wararka
Safiirka Soomaaliya ee Serbiya oo qaabilay guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka dalkaas
Serbiya waxa ay ka mid tahay dalalka Yurubta Bari ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya

Belgrade (SONNA): Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya serbiya Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa xarunta safaarada wadankaasi soo dhaweyn ugu sameeyay Dr. Edin Đerlek, oo ah Gudoomiye Ku-xigeenka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Serbiya.
Gudoomiyaha ayaa waxaa gacmo furan kusoo dhaweeyay Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, iyadoo labada dhinac ay dib u xaqiijiyeen saaxiibtinimada soo jireenka ah ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Serbiya, iyagoo ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga baarlamaanada labada dal iyo sidii loo taaba-gelin lahaa guddiyadda saaxiibtinimada ee labadda Baarlamaan.
Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xiriirka labada Wadan.






