Wararka
Galmudug oo u diyaarsan doorasho qof iyo cod ah
Doorashadan ayaa ka kooban golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada

Dhuusamareeb (SONNA): Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah ee soo socota Galmudug looga dareeri doono codbixinta doorashada isku sidkan ee golayaasha deegaanka ee degmooyinka iyo doorashada golaha wakiilada Galmudug.
Guddoomiye Cabdikariin ayaa xusay in hawlwadeenada doorashada, ururada siyaasadda, laamaha amniga iyo dhammaan daneeyaasha doorashadu ay u wada diyaarsanyihiin maalinta codbixinta, ayna soo xirmeen ololihii doorashada, maalinta arbacada ahna aan la ogoleyn olole doorasho.
Waxa uu intaas ku daray inay codkooda dhiiba karaan dadka aan helin kaarka codeynta balse haysta shahaadada diiwaangelinta.



