Wararka
Kulanka Arrimaha Banii’aadanimada Soomaaliya oo ka furmaya Dhuusamareeb
Xayeysiis
Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ka furmaya Shirka Madasha Arrimaha Banii’aadanimada Soomaaliya (CHF),halkaasi oo ay ka socdaan qabanqaabadii ugu dambeysay ee shirka.
Shirkaan oo Sanadkiiba afar mar ayaa la qabtaa waxaa kaqeybgalaya mas’uuliyiin ka kala socda wasaaradaha gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Dowladda Federaalka ,dowlad goboleedyada iyo xubnaha hey’adda SODMA.
Mudada uu socdo shirkaasi waxaa looga hadlayaa xaaladda dalka Soomaaliya ,gaar ahaan dhinaca maareynta masiibooyinka, soo kabashada iyo kahortagga wixii dhibaatooyin ah ee jira.
Shirka Madasha oo ay soo qabanqaabisay hey’adda SODMa,waxaa abaabulkii loo soo galay ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka hay’adda SODMA Dr. Axmed Cabdi Aadan.
