Wararka
Dowladda oo ka hadashay xaaladda guud ee garoonka diyaaradda Baladweyn
Xayeysiis
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Maxamed Faarax Nuux ayaa ka warbixiyay xaaladaha guud ee ka jira garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne oo xarun u ah Gobolka Hiiraan.
Wasiirka ayaa xusay in garoonkaasi uu yahay goob muhiim ah oo kamid ah meelaha laga fuliyo adeegyada lagama maarmaanka u ah bulshada Soomaaliyeed.
“dowladda ma xirin garoonka diyaaradaha Baladweyn,balse inta la soo celinaayo nabadgelyada goobtaasi ilgaar ah ayaan ku eegi doonaa” sidaasi waxaa yiri Wasiir Maxamed Faarax Nuux.
Wasiirka ayaa dalbaday in ciidamada laga saaro garoonka diyaaradaha,isla markaana la abuuro jawi nabadeed oo ay ku qanci karaan shirkadaha diyaaradaha iyo shacabka socotada ah.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladda ay diyaar u tahay in la fududeeyo duulimaadyada iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobolka Hiiraan.
