Wararka
Wasaaradda Gaashaandhigga oo shaacisay magacyada horjoogayaasha ku dhintay duqeyntii Aaden Yabaal
Hawlgalka ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyey

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo, ayaa shaaciyay in howlgal duqeyn ah lagu bartilmaameedsaday shir ay horjoogayaasha Khawaarijtu ku lahaayeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo uu guddoominayay Yuusuf Ciise Kaba-kudukade, oo Khawaarijta u qaabilsan gobolka. Duqeynta ayaa lagu dilay 11 ka mid ah horjoogayaasha Khawaarijta, halka afar kale lagu dhaawacay, oo uu ku jiro Yuusuf Kaba-kudukade.
Horjoogayaasha dhintay ayaa wasiirku ku sheegay inay yihiin Macalin Carab, madaxa sirdoonka Galmuduug, Shsekh Cabdullaahi Maxamuud Awjilibow ku simaha waaliga degmada Aaden yabaal,
Macalin Sakriye oo ahaa amiirka amniga gobolka Hiiraan, Suldaan Cali Muuse oo Khawaarijta u qaabilsabaa bessha Cawrmaleh,
Naqiib Sheekh Cumar Xaashi oo isna qaabildanaa beesha Ujuuraan,
Nqiib Axmed Xaashi oo qaabilsana beesha Ogaadeen, Salmaan dheere madaxa garaashyada Shabeelaha dhexe, Cabdjfitaax iyo Xaashi oo ka mid ahaa laalada Kabakutukade,
Macalin Suuleey oo aha horjoogaha Jqbhadda iyo Xudeyfa oo ka tirsanaa xafiiska dacwada kooxda Khawaarijta.
Horjoogayaasha dhaawacmay waxaa ka mid ah Yuusuf Ciise Kabakutukade
Calidhuux oo xoghayn u ahaa Kabakutukade, Cali-dhuux oo maaliyadda u qaabilsanaa Argagixisada iyo Usaama



