Wararka
Aqoon isweydaarsi ku saabsan kordhibta mashaariicda isbadalka cimilada oo Muqdosho lagu qabtay
Hay'adaha maaliyadda ayaa kaalin weyn ka qaada kara kordhinta mashaariicda la qabsiga isbadalka cimilada

Muqdisho (SONNA): Sanduuqa Qaranka ee Cimilada ee Wasaaradda Maaliyadda, oo kaashanaya Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa soo gabagabeeyay maanta tababbarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada ee loogu talagalay Bangiyada Soomaaliya.
Barnaamijkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda hay'adaha maaliyadeed ee dalka si ay door muuqda uga qaataan soo jiidashada maalgelinta caalamiga ah ee la xiriirta isbeddelka cimilada.
Aqoon-is-weydaarsiga waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ka socday bangiyada ganacsiga iyo shirkadaha caymiska ee Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jireen masuuliyiin u qaabilsan horumarinta ganacsiga, maamulka amaahda iyo khataraha, joogtaynta, iyo maalgelinta mashaariicda. Ka qaybgalayaashu waxay falanqeeyeen kaalinta sii kordheysa ee waaxda maaliyadeed ee Soomaaliya ay ku yeelan karto maalgelinta mashaariicda kor u qaadaya adkeysiga isbeddelka cimilada iyo kobaca dhaqaale ee waara.
Agaasimaha Guud ee Ururka Bangiyada Soomaaliyeed Dr. Axmed Khadar Cabdi Jaamac, ayaa sheegay in bangiyada Soomaaliya ay diyaar u yihiin inay kordhiyaan maalgashiga dhinacyada xoojinaya adkeysiga dalka ee isbeddelka cimilada.
"Bangiyada Soomaaliya waxay diyaar u yihiin inay kordhiyaan maalgelinta dhammaan qaybaha kor u qaadaya adkeysiga Soomaaliya ee isbeddelka cimilada. Tababarkani wuxuu noo ahaa fursad muhiim ah oo aan ku fahanno nidaamka maaliyadda cimilada ee caalamiga ah." Ayuu yiri Guddoomiye Dr. Axmed.
Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaranka ee Cimilada Soomaaliya (NCF), Libaan Cabsiiye, ayaa xusay muhiimadda iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Sanduuqa NCF iyo Ururka Bangiyada Soomaaliyeed.
"Iyadoo loo marayo iskaashikeenna joogtada ah ee aan la leenahay Ururka Bangiyada Soomaaliyeed, Sanduuqa Qaranka ee Cimiladu waxaa ka go'an, dhismaha waax maaliyadeed oo awood leh, kana jawaabi karta caqabadaha isbeddelka cimilada.








